Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Qarax Ismiidaamin ah Oo ka Dhacay Dulleedka Magaalada Muqdisho.



Tue 14 November 2017.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka lagu magacaabo Weydoow ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa halkaa uu ka dhacay weerar Ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaari NOAHA oo uu waday qof Ismiidaamiye ah uu halkaa ku qarxay, waxaana wararku intaa darayaan in gaarigu damacsanaa in uu bartilmaameedsado ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo halkaa marayay.

Qof ka tirsan dadka deegaanka oo u waramayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in uu arkay gaariga oo ku qarxay meel cidlo ah kaddib markii ay halkaa ka dhaafeen gadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM.

Khasaaraha qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid koobnaa oo kaliya qofkii Ismiidaamiyaha ahaa oo halkaa ku geeriyooday.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines