Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Xildhibaanada Koonfur Galbeed Oo ka Gadooday Mishaaraadkoodii Oo Dhawr Bilood ka Maqan.



Mon 13 November 2017.

Xildhibaano katirsan baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya oo sheegay in ay gaarayaan 118-mudane in loo diiday in ay qaataan lacagaha gunnooyinka ah oo Bilooyin ka maqnaa.

Xildhibaan Feysal Cawad Cumar Shiikh Siciid oo katirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed oo la hadlay Mustaqbal Radio ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ugu baaqay in uu is casilo ama uusoo dhiciyo Gunnooyinka ka maqan

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada Lacagaha Gunnooyinka loo diiday ee uu ku jiro ay la xiriireen, balse uu u muujiyey in uusan waxba ka qaban Karin arrintaan.

Dhanka kale Xildhiban Amiin Max’ed Faarax oo kamid ah Xildhibaanada Koofur Galbeed ee lacagaha loo diiday ayaa Mustaqbal u sheegay in aysan ku gor-gortami doonin Gunnooyinkooda.

Waxa uu tibaaxay in Madaxweyne Shariif Xasan uu Gumeysi ku hayo Xildhibaanada Mooshinka ka wada, balse Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ayuu ku tilmaamay in uu ula dhaqmay si liidato sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibanada ayaa dhanka kale sheegay in uusan marnaba badalmi doonin mowqifkooda ah in ka gun gaarista Mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Koofur Galbeed.

Tan iyo Shalay warar soo baxaye ayaa sheegaye in Xildhibaanada Maamulka Koofur Galbeed ee Mooshinka ka wada Madaxweyne Shariif Xasan ay dib ugu laabteen, kadib markii la sheegay in lacago lasiiyey, inkastoo Xildhibaanada Kolkii dambe ay beeniyeen.

Mustaqbal ayaa la xiriirtay Madaxtooyada iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed si ay iyane kaga hadlaan eedeenaha ka dhanka ah, balse Ma suurto galin in Wicitaanadeena ay ka Warceliyaan.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines