Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Shabakadda YouTube Oo Boggeeda ka Masaxday Muxaadarooyinkii Sheekh Anwar Al-Awlaki



Mon 13 November 2017.

Shabakadda YouTube ayaa boggeeda si rasmi ah uga masaxday wax ka badan 50,000 muuqaalo ah oo ku saabsan muxaadarooyin uu jeediyay hoggaamiyihii Al Qaacidda ee la dilay Anwar Al-Awlaki.

Muxaadarooyinka ayaa waxa ay badankood ku saabsanyihiin arrimaha jihaadka, isaga oo dadka ku dhiiragalinayay in ay meeshii ay ku arkaan ku dilaan muwaadhiniinta dalalka reer Galbeedka.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in muuqaalada Anwar ku saabsan ee wali ku haray YouTube ay kaliya yihiin kuwa ku saabsan wararkii laga baahiyay iyo barnaamijyo warbaahinta ka samaysay.

Muxaadarooyinka qaar ee meesha laga saaray ayaa ku saabsan moowduucyo kale oo diinta ah oo aanan Jihaadka ahayn.

Haddii uu noolaan lahaa, Awlaki ayaa waxaa laga mamnuuci lahaa in uu furto ciwaan YouTube ah sababtuna waxa ay tahay in lagu daray diiwaanka argagixisada ee UK iyo Maraykanka.

Laga soo bilaabo sanadkii 2009-kii, kooxo kasoo horjeeda xagjirnimada ayaa cabashooyin u gudbinayay shabakadan, kana dalbayay in ay hawada ka saaraan muxaadarooyinkiisa.

Awlaki ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo lagula beegsaday dalka Yemen sanadkii 2011-kii.



Views : 22



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines