Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Wasiirka Amniga Oo Sheegay Inuu Xaliyay Xiisad ka Dhalatay Askari Nin Da’ ah ku Dilay Magalada Muqdisho.



Mon 13 November 2017.

Askari katirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay nin Oday ah ku dilay Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan meel ku dhaw xarunta Degmada.

Sida aan Wararka ku helnay askariga dilka geestay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana tilaabadaasi si weyn uga carooday ehelada ninka la dila.

Ehelada ninka la dilay ayaa diiday in meydka laga qaado halkii lagu dilay, waxa ayna codsadeen in gacanta lagu soo dhigo ninkii dilka ka dambeeyay markaasna meydka qaadi doonaan.

Meydka ninka la dilay ayaa yaalay in ka badan 5-saacadood goobtii lagu dilay, waxaana arintaasi saameyn ku yeelatay xaafadii uu dilku ka dhacay oo ku dhaw xarunta Degmada Kaaraan.

Wasiirka Amniga Gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa markii dambe ku baxay xiisada ka dhalatay dilka ninka odayga ahaa, waxa uuna Wasiirka ku guuleestay in ehelada ninka la dilay ku qanciyo in meydka meesha laga qaado.

Wasiirka ayaa ehelada marxuunka la dilay u balan qaaday in lasoo qabanayo cadaaladana la horgeyn doono asakarigii dilka geestay, waxa uuna ehelada marxuunka ka codsaday in Meydka asturaan oo la asao.

Ciidamada dowlada Soamaaliya ayaa magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka mararka qaarkood ku dila dadka shacabka ah, waxaana inta badan baxsada askarta dadka shacabka dilka iyo dhibaatooyinka kale u geesata.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines