Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Jeegaan siyaasadeed kan ayey reer Awdal u baahanyihiin oo ay la sameystaan 2dan jeegaamood mid kood!!Dr.khadar-Libaaxley.



Sat 21 October 2017.

Dibi kaliday la ii qalay qoys qudha

Dibiradii waxa aan kadoor biday duubiga

Shan lagu cuno!!!.

 

 

Waa tuducyo kamida maansadii dirsooc erayadii allaha u naxariistee abwaankii cabqariga ahaa ee ibraahim gadhle.

 

Waxa ku faraxsanahay geediga cusub iyo qaayaha aloosan, wajiga cusub ee iskaashiga siyaasada dalku u qaabeysmaayo; ( isdhex galinta iyo isku muunadeyta saddexan ka ah dimuqraadiyada + dhaqankii + qabiilkii = isku tollida dunta saddexdan oo soo baxaysa maro quruxbadan oo ka kooban 3 dex midab sir oo dhami waxay fadhidaa isku qaabeynta iyo naqshadeynta 3 dexdan siyaasada somaliland aasaasiga u ah oo qof ahaan aan aad ugu faraxsanaay balse dadka badankoodu u qaybtamay ( in leh sidee ayey isku qaadaneysaa qaranimada iyo qabiilka ; in yaab iyo amakaag dhabanka gacanta saaray iyo in baqdin iyo colaado qarxa ka walwalsan raba dalkaba in ay ka guuraan).

 

Qof ahaan waxa aan si weyn u aaminsanahay in saddexduba isqaadan karaan si waafiya balse waxa ay u baahantahay fahamo sare iyo farshaxan xeel-dheer oo intaba isku waafajin kara hab ceeb la’aan ah.

 

Jeegaanta reer Awdal u baahan yahay waxa ay tahay:

 

In dalka iyo deegaamadiisu u qaabeysmaan Iskaashi siyaasadeedyo saddexan ah; oo u yaala sida tan:

 

  1. reer awdal oo isku dhan + habar- awal + habar jeclo; saddexdaa waaxood ee waaweyn si isku wareejis ah oo talan taali u ah 3dan beelood xillalka ( madaxweynah iyo ku xigeenka ) dalka lagu badhi taaro oo ay la loolamaan jeegaanta saddexdan kale Arab + Gadhxajis + Harti ; oo iyaguna si tallan taaliya iskugu wareejiyaan midhaha tallada kursiga; ujeedada guudna ay tahay si aaney reer awdal waligood ba u ahaanin ( madaxweyne xigeen joogta ah; balse meesha u timaado hab kaaleysi ah, door madaxweyne ah iyo door ku xigeen ah, had ba kaalkooda mansabka ku soo hagaaga maahee rafiiqooda ay badhi taaraan, sidan si lamida habar awal door kooda ahaato madaxweyne iyo ku xigeen tallan taaliya, markay kaal kooda timaado, habar jeclo si la mid ah madaxweyne iyo ku xigeen tallan taaliya, oo had ba 2da beelood ee tallan taaliga u sharaxan maahee beesha doorkaa 2da mansab midkoodna aanu ku soo hagaagin ay badhi taar taa takale.

 

Fiiro gaara : Sababta tallan taaliga mar madaxweyne ah iyo mar madaxweyne ku xigeen ah ee 3dexdan beelood ee waaweyn waxa ay tahay ( qoraxda + dayaxa + xidigaha iyo xilliyada sannadka intuba wey god-guuraan; oo door ba meel bay fadhiyaan, majirto mana muuqato sabab reer awdal ku xigeen uun ugu laastaan cimrigooda, ama jiilka soo kacayaa quluubta ka aaminaan in ay ku xigeenka mooyee waxkaleba rabi aanu u qorin, inkastoy jirtay baryaha qaar xataa ku xigeen toona aanu jirin; sabanka iyo sidii had ba rabi keeno ayaa waxsaarka leh; sidaa daraadeed waa in labadan xill ee dalka u sareeya 3dexdan beelood u kala goosh-gooshaan oo marba 2ba ka mida 3dexdan la kala yaalaan; farshaxankan iyo jadwalkan mid la mida ah waa u lagama maarmaan in ay sameeyaan jeegaan kale oo qarnigan ugub noqota ( Arab + gadhxajis + harti ).

 

***Dhaqan ahaan habkan isla guulka ah waxa la odhan jiray ( Awr-qaad) oo waxa jirijirtay Awr reeraha loogu wada safro, dhaamiyo oo had ba reer ku adeeg tago oo ay isku war-wareejiyaan asalkiisa horena reer wanaagsan oo ka mid ah reero meel wada yaal;( taa maanta waxa u taagan xisbi 2ba ama saddex reer wada dhistaan oo hadba reer 3dexdaa ka mid ah u adeega in ay magacooda iyo maamuuskooda kor ugu qaadaan).

 

 

** Hadii habar awal iyo habar jeclo oo kaliya ku adkeystaan in kaligood isku laad celiyaan kubada madaxweyne nimada, isla markaan u qasdiyaan in ay reer awdalna ku illaaliyaan mansabka madaxweyne xigeen ka; waxa gud-boon jeegaantan kale waaxid waa qaniye:

 

  1. jeegaan cusub oo saddex tirsi ah oo ka kooban ( isku duubnida reer awdal + arab + garxajis oo baadi goobka mansabyada ugu sareeya dalka madaxweyne iyo madaxweyne xigeen u kala qaatadanaya hab talan taaliya iyaga oo la loolamaya jeegaanta kale ee kakooban habar awal + habar jeclo + harti).

 

3. hadii ay guul dareysato kamid noqoshada 2daa jeegaamood mid kood, reer awdal waxa la gud boon rag magac buu u dhintaaye; marba kii caroosiyo hamaaweelinina qayr kiin , idinkuba marwada dumar meher waad ku geydaan, u manxiis ka ruux kale waxa idiinka magac roon idinkoo mid joogta ah guursada !! ( dawlad goboleed ka mid ah somaliland oo beelaha awdal iyo dariskuba u dhan yahay ) sababtuna tahay halka lagu qubeystaa biyahaba la isqotomiyaa ( UK- waxa ay ka koobantahay 4 dawladood oo isku hal dawlad ah; dawlada WALES la yidhee ee UK ka mid ah iyo gobolka AWDAL ba wey isleegyihiin baaxada dhulka, jabuutina waa lamid; somaliland inteeda kalena hiil baad u noqon kartaa.

 

 

 

Gunaanad :

 

Farshaxanka iyo farsamada Isdhex galinta iyo isku muunadeynta dimuqraadiyad casriga ah + qabiilku qaybsiga siyaasada + dhaqan ku hab ceeb la’aan ah waa saddex xagal isir raac ah, xeelad iyo xadaarad gundheer oo dadka iyo dalkuba iyagoo isjecel ay is-huwanaan karaan; waxase fahmi kara , ka midho dhalin kara laacib aan layli aheyn.

 

Jeegaamo iyo iskaashiyo siyaasadeed oo dalka si mugle uga curta waa horseedka bisayl siyaasiya iyo ciyaarta siyaasada oo laba kooxood oo mugweyni ku loolamaan marwalba labadaa kooxood oo u qaabeysan ( isku dhamida reer awdal + habar awal iyo habar jeclo VS kooxda kale Arab + Garxajis iyo Harti ama isku dhamida reer awdal + Arab iyo Garxajis VS kooxda kale Habar awal + habar jeclo iyo harti ); hab xulasho siyaasadeed sidan u qaabeysan waxa ku duugnaan kara xalad, xamaasad iyo xiise aan xumaan la isku quudhin dhanwalba iyo ciyaar wanaag bilaa xanaaqad ah; waxa aan rajeynayaa in la dhiiri galiyo iskaashi siyaasadeedyo noocan oo kale ah.

 

 

Si buuxda waxa u tamar galaya rooxaanida astaanta guud ee somaliland (the spirit of somaliland Logo with eagle and justice can run smoothly if politics are designed as my theory ).

.

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

 



Views : 127



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines