Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Wel wel Dhinaca Amniga Oo ay Dadwayanaha Somaliland ka Qabaan Doorashada soo Socota Ee Madaxtooyada.



Sun 15 October 2017.

Qaybo ka mid ah dadweynaha Soomaaliland ayaa u muuqda kuwa ama hadalhaya dhibaatooyin ama xasiloonidarro ka iman kara doorashooyinka madaxtooyada ee dalka ka dhici doonta bisha soo socota 13da.Dadweynaha dareenadaasi qaba una badan ganacsatada iyo qurbajoogta ayaad mooddaa inay walaacan ka muujinayaan kaddib marka ay daawadaan akhristaan amaq ay maqlaan hadalada hogaamiyayaasha siyaasadda iyo taageerayaashooda ka jeedinayaan warbaahinta iyo maxfalada siyaasadda ee lagu kala boobayo codbixiyayaasha dalka iyadoo khudbadaha siyaasiyiinta iyo taageerayaasha xisbiyada qaarkood marmar qaarkood loolanka siyaasadeed iyo loolanka u ekeysiinayaan xaalad keeni karta xasiloonidarro.Dhinaca hadaladaq kaambaynka iyo soo jiidashada taageerayaasha oo badi ku salaysan qabyaalad iyo gobolaysi markii ay siyaasiyiinta ama musharraxiintu waayeen wax kale oo ay dadka kusoo jiitaan ayaad dhinaca kale dadweynaha cabsida ka qaba doorashooyi nku soo dhaweysanayaan belaayo kusoo fool leh dalka ,dibna an u xusuusan sidii Soomalailand kusoo gaadhay meesha ay maanta taagantahay.

Marka la eego qaybaha dadweynaha ee shakiga ka qaba doorashooyinka madaxtooyada bisha dambe ayaa waxay u badanyihiin kuwa dalka kusoo laabtaya ama siyaasadda soo galay markii uu xilka dalka ku guuleystay xisbulxaakimkii UDUB,ugu badnaan sideetanka codna uu kaga guulesystay xisbulxaakimka wakhtigan ee KULMIYE , iyadoo dhinaca kalena dadkani dalka yimaaddeen ama siyaasadda soo galeen markii xukunka dalka ay 2010kii si nabad ah u kala wareegeen Axmed Siilaanyo iyo Daahir Rayaale ,sidaa ddarteedna ad mooddo i nay illawsanyihiin sidii dalku masiibo siyaasadeed uga badbaaday doorashadii 2003dii.

Maanta oo reer Soomaaliland u tababarteen doorashooyinka ,dimuqraadiyaddan m aantana loosoo maray jid halaag badan ayaan cidi filaynin ama anay ku talogelin in doorashadni noqoto tii ugu cabsida badnayd sida dsadweynaha qaar aaminsanyihiin kuwaasoo inta badan shaki ka muujinaya inaysan labada musharrax ee ugu tunka weyn xisbiyada siyaasadda ,waa muuse Biixi iyo C/laahi cirro ,si nabadgelyo isugu hanaynaynin guusha doorashooyinkaasi sidaa darteedna ay dhici karto inay ku kala bixi waayaan dalkuna mugdi galo,waxanad mooddaa in dareenada iyop cabsida caynkan oo kala ahi salka ku hayaan dacaayado ay faafinayaan dalal cadow ku ah dimuqraadiyadda ,amniga ama jiritaanka Soomaaliland kasii hordegeyaan in dalkan iyo dadweynahaba ay saameeyaan xasiloonidarro iyo dagaallo sokeeye .

Ugu dam bayntiina cid kastoo Soomalailand ,shacbi iyo dawladba aqoon u lihi waxay aaminsantahay inaanay waxba dhici doonin doorashooyinkaasi kaddib iyo ka hor toona ,ciddii Ilaahay u calfayna dalka hogaamin doonto ,sidaa ddarteedna siuyaasiyiinta iyo musharraxiinta ku loo0lamaysa hogaaminta dalkana looga baahanyahay inay shacbiga tusaan kalsooni damaanad qaadi karta jiritaankiisa ,amnigiisa iyo dimuqraadiyaddiisab

By; maxamed cumar Sheekh



Views : 115



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines