Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Sir : Saddexdii Daldalay 6 da gooboob ee Awdal ee loo tirinaayey Dilkii dariiqa Borama laftoodii ayuu X .Wadani soo wadaa barito hurudooy!! Dr.Khadar-Libaaxley.



Wed 27 September 2017.

Mus daleemay baa jira

Bahal baa dudada tuban

Damanaanta ubadkayga iyo

Daylo lumisteeda iyo dacawa deer buuxda

Anigiyo dadaalkayga markaan dayo amuurtayda

Daacadow laxdaydani dar alley ku socotaa.

 

(naxariistii jano rabi haka waraabiyee waa tuducyo ka mid ah maansadii dirsoo ee abwaan ibraahim gadhle)

 

 

 

Xisbiga kulmiye uu gilgishay sida xooluhuba u gil-gishaan, waxa uu iska daadiyey hugufkii, hangaralihii, sangaalihii, shilintii iyo gafanihiiba ee qarankan dulinka iyo dulsaarka ku ahaa; dulinka iyo qaniinkuba neef markuu ka gil-gisho ee ay daataan mid kale ayey koraan waxa la mid ah kulmiye kuwii ka yaacay ayaa xisbiga wadani ku biiray oo ah lugufkuu kulmiye iska soo hurgufay ; kulmiye inta ka xumaatay ee aad tabeysaan kuwii xumeeyey weeyi ; halkan waxa aan idiinku soo bandhi doonaa gaf , godobta iyo jariimadihii ay reer awdal ka galeen wasiiradani ( ismaciil yare , c/laahi ciro, abiibtima cad, xirsi xaaji cali, maxamed jaamac abgaal, geedoole iyo kuwo kale oo gadaal ka xusi doono) maanta qormadan waxa aynu ku qaadaneynaa wasiiradii Awdal godobta illaa maanta aan diifteedii laga soo waaqsan oo ay jariimadaa gaysteen ( ismaaciil yare , c/laahi ciro iyo abiib timo cad oo xisbiga kulmiye iska soo eryay waayo dambiyadii ay horay gobolka awdal uga galeen ayuu ogaa kulmiye ciilkii iyo cadhadii ayey xisbiga wadani u soo harqado qaateen, xisbiga wadani xaabo ururso mooyee uba xidigo eegi maayo !!!.

 

1. ismaaciil yare oo horey lixda goobood awdal uga xanibay xiligii dawladii daahir rayaale ee ismaaciil yare ahaa wasiirka arimaha gudaha ; waad wada ogtihiin xanibaada lixda goobood ee ilaa maanta deldelan waxa sameeyey ismaciil yare tani waa sababtii galaafatay in xilka laga qaado; xanibaadaa ciday isla ogaayeen gadaal ayaan ka sheegi doonaa !!! Borama markii uu doraad ka qubadaynayey hadalkiisa waxa uu ku furay ( 2ba habeen ayaan borama joogay ma’aan seexanin labadaba ayuu yidhi sababta uu u seexan waayey gefkii iyo godobtii lixda goobood darteed uu baqanaayey , baqasho darteed buu u seexan waayey hadalka intiisa kale food qabsi bay ahayd oo huteelkaa lagugu dilli buu islahaa illayn waa dambiile, bal u fiirso hadalka hadalkiisa xigay shaydaan iska naarid ayey aheyd oo uu ku celceliyey sababta riyooyinkii baqdinta ayuun baa marba soo hormaraayey, daliil waxa u ahaa hadalkiisa ayaa isku dhexyaacsanaa, isagoo xaflad borama jooga oo beelaysan ayuu markiiba berbera iyo dekadii u booday, nuxur uu yidhina may jirin !! .)

 

2. c/laahi ciro wasiirkii badalay markii la eryay ismaaciil yare oo qabtay xilka wasaarada arimaha gudaha oo masuul ka ah amaanka dalka gudihiisa, oo ay ciidanka sirdoonka , asluubta, booliska iyo ciidanka bada dhamaantood wadashaqayn joogta leeyihiin habeen iyo maalinba ayaa ay dhacday dhacdadii ugu foosha xumayd taariikhda dhaw dilkii iyo gawracii ka dhacay gabiley iyo dilla inta u dhexaysa ee loogaystay rayidkii aan waxba galabsanin; cida loo tuhunsanyahay abaabulka falalkaasi arxan darada ahaa ee iyaguna isog waa c/laahi ciro iyo abiib timacadkii loo xidhi jiray isagoo xil wasiirnimo haya dhacdadii saameel iyaduna; c/laahi ciro iyo abiib timacad gobolada bariga wey tagaan lakiin Awdal ma yimaadaan umana hoyan karaan xataa weftigii ciro wey ka hadheen sababtuna tahay ( fule xantii ma mooga, waxa ay ka sii baqe daran yihiin ismaaciil yarhaa 2dii habeen hurdada seexan waayey ee uu borama joogay waa dambiilayaal dambigoodii iyo dunuubtoodii laga nastay intii kulmiye xilka hayey, hayeeshee maanta ilka cusub soo gashaday iyo xisbiga wadani oo aan kheyrba u sidin gobolka awdal ).

 

 

*** Ayaan darada ugu weyni waxa ay fadhidaa ( boqonta oo aad isgoyso adigu ) Reer Awdalow waxshigaaba dida surin haday wax u fadhiistaan !! witirka iyo shabaga is-agyaal wiil yar baan garan!! waraabaha alwanayaayi idinkuu idiin wishiiriyayaa !! hadii aad u codeysaan doorashadan dhaw xisbiga wadani kuwaa miciyaha soo lisanaya ee aad ogtihiin huqda iyo hadimada ayey shacbiga reer awdal u gaysteen wuxu idiinku abaal gudayaa barito xisbiga wadani in uu wasiiro uga dhigo indinka iyo ummada reer somaliland intaba; kulmiye wasiiradiisa barito wey qarsoonyihiin , ma kuwa hada jooga ? ma kuwo wada cusub baa ? ma qaarbaa kaga jiri doona? Waa gacan uur ku jirta , wax wanaagsan iyo waxaad ku faraxdaan ayaad kala kulmi doontaan hadaydaan idinku gacmihiina isku daldalin oo hohhiyo laandeyr wadaniyeysan aydaan ka dhicin ( reer Awdalow waxaan idin leeyahay ubadkiyo kasgaabkaa waxkale loo akhrinayaaye oo badh baa ku andacoon shido maleh e’ ujeedada ha weydiin cidaan meel fog wax ka arkayne’ abeesooyin iyo aar-goosato badan baa jirtee aad wax ugu fiirsada oo ciridkaa xisbiga wadani ee aad arkaysaan ilko kama soo jeedaane baraaruga oo ka kaca hurdada , Good iyo abeesiyo inta halaq idiinsoo gurguuraneysa iyo sida maxamed cali ceelalyo ugu yahay ( hombaro libaax bay soowadaa) eersiga hadhow iyo iskaga riyaaqida imaka waaba kala maan ).

 

 

 

Gabagabo :

 

 

Qabyaaladu ha dhacdo ayey gobol walba iyo masrax walba ka shubayaan colka wadani , masrax walba oo ay ka hadlayaan ( gadaashooda waxa ku sawiran sawir weyn oo ku xardhan astaantii xisbiga iyo beesha reer hebel….. ama beesha habar heblaayo oo maanta ku soo biirtay xisbiga wadani !!!!; afkoodiyo dhagahoodu miyaanay iska war haynin tallow waa yaabe !! isku soo xoori gundhigu sow maaha ( bakhtiga ma cunee fuudkiisaan aad u cabbaa !!)

 

abwaan cashuur ayaa waxa laga hayey :

 

( Qoshe uma hirgalo cidaan hoosta ku sidan bahashii.

Hadaan lagu dhaqmeyn joojiyadu waa iska huu haaye

Hoygeedu meelkastaba waa tan hormuud ka ah,

Hinjinteedu waa idiin bilaash inaad u heentaane

Had ba kii muraad ley u tahay hootiyo gaashaan.)

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

 



Views : 136



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines