Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Soomaaliyaynta Cudurka "Autism" - Qormadii Labaad.Qore Cabdullaahi Maxamed Cumar



Sun 24 September 2017.

Fiiro gaar ah:

 

 Haddii aanad hore u akhrisanin qormadii kowaad ee maqaalkan; fadlan ka akhriso websaydada soo daabacay ee ay ka mid yihiin: oodweynenews.com, timacadenews.com- si aad u fahamtid waxan aynnu ka hadlayno!

 

Nabad akhristayaasha sharafta lahoow.

Intiinii akhrisatay qormadii hore ee ku saabsanayd mowduucan aynnu korka ku soo tilmaannay, waxaynu ballanqaadnay; in aynnu ku soo bandhigno qaybtan labaad magaca cudurkan (Autism) oo aynnu Soomaaliyaynay iyo sababta aynnu magacaasi ugu xulanayba.

 

Haddaba cudurkani oo ah ku haleela maskaxda Aadamaha, ayaa qofba si u saameeya. 

Dadka qaarkood hadalka ayuu ka xidhaa, qaar kale wuxu ku keenaa qalobulsheed aanay dadka dhexgali karin, kuwo kale wax buu ku dirqiyaa oo aanay deyn karin (obsessive compulsive disorder) oo ah waxa loo yaqaanno (OCD)ga iyo wixii la mid ah.

 

Haddaba, marka aynnu darisno waxyeelooyinka uu qofka ku keeno xanuunkan (Autism)ku; ayaa waxa ku soo baxaysa; in uu ka-la-dhantaalayo qofkii oo aan muuqaalka marka aad eegtid, aan il iyo ooftoona la'ayn! Taasi waxaynnu u-la-jeedna, in ruuxii oo muqaal ahaan dhammaystirani haddana wax ka maqan yihiin ama uu si qabyo u yahay!

Sidaa awgeed, markii aan dhan walba ka eegay ee aan is idhi cudurkan u raadi magac af Soomaali ah; waxan dhawr magac oo igu soo dhacay ka xushay, magaca Dhantaale!!

 

Sababta aan magacan u doortayna waxay ku salaysan tahay dhawrkan arrimood:

 

 

  • Ka-la-dhantaalidda uu qofka makax ahaan ku sameeyo! Taasi oo macnaheedu yahay, ruuxii oo aanad ku arkeynin iin duleed (physical defect)- sida indho la'aan, dhego la'aan, curyaanimo iyo wixii la mid oo aad weliba qaakood quruxdooda yaabtid ayaa haddana ka-la-hulgan!
  • Ta kale, innaga oo erey ahaan si afgobaadsi ah ugu adeegsan dadka iimaha noocaasi ah leh. Haweenkeennaa ayaana inta badan u isticmaala ereygan, qofkii iin qarsoon leh - marka ay wax u maldahayaa! Naa wuu ka-la-dhantaalan yahay!!

 

 

Dhinaca kale haddii aynnu milicsanno oo aynnu ka hadalno dadka uu xanuunkani haleelay ee uu aamusiiyey, waxa aynnu Soomaali ahaan u leenahay erey la yaqaanno - inkasta oo laga yaabo in aan meelo qaarkood laga aqoonin! Ereygaasi oo ah: Ammuume!!

 

Waxana jiritaanka magacaasi daliil ahaan kuugu filan, marka hadal la'aan wax lagu jilayo (miming); waxa afsoomaaliga lagu yidhaahdaa; " Ammuumeyn".Waa habka uu ( Mr Bean) wax u jilo'e!

Sida awgeed, guntii iyo gebogebadii; cudurkan (Autism)ka, waxay ila noqotay; in aynnu u bixinno dhantaale.

Qofka uu aamusiiyeyna loo adeegsado magaca ah: Ammuume!!

 

 MARKII AAN DHALANDHOOLLEY

EE DHUL SHISHEEYE LA AADAY

 

WIILASHOO DHABABMAY OON DHAWAQ SOO CELINAYN

IYO DHIBAATAA NA HALEESHAY

 

EE ALLAHAYOOW, ADIGAA DHIBTA QAADA

EE DHAQSO NOOGA DAWEE.

 

Allahayoow Aamiin.........

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

 

Email: timacadde56@hotmail.com

 

 



Views : 130



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines