Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Xil.Buubaayow ha kaw-kaw leyne kulmiye kaaley ama killinka 5aad aad sababahan dartood !! Dr.khadar-Libaaxley.



Sun 10 September 2017.

Abwaankii weynaayee salaan carabey baa waxa laga hayey naxariistii jano rabi haku galadee :-

 

hadaad ficil hinaasiday asaad hiilin kariweyday

ma afkaad ku hawl bixi Cidlaad ka hanjabeysaaye !!.

 

 

 

Xildhibaan ibraahim qaladka adigu malihid; waxa wax-saarka leh waa kaalinta iyo hulada ka banaanaatay xisbiga mucaaridka ugu tafo weyn ee wadani; kadib iscasilaadii naxdinta badneyd ee xildhibaan siciid cilmi rooble ; oo aan ka tacsiyadeynayo xisbiga idil ahaantii; oo aad adigi isleedahay adiga oo guhaadinaya ( siciid kaalintiisii waa in aad buuxisaa!! ) xaasha ha u fadhiyin taas, ma buuxin kartid kaalintii uu ka garaaci jiray xil. Siciid cilmi; waxase aan kuugu bushaareynayaa ( daciga siciid cilmi rooble maaha mid qaayiba muxaafidnimada inta uu diiqad baxayo ayeynu sugeynaa ee uu kulmiyana codka siinayo !! guusha kulmiye waxa yar kadib waxa aad arki doontaa siciid oo dhag laqabto la heyn oo xisbiga wadani madax-madax u soo muquuranaya insha’allaah!! waayo xil.siciid sida balwada kadaran ayuu mucaaridnimada ugu buseylaa !! illaa hada inta aynu ka darisnay!! )

 

 

Isku dhiib xildhibaan sababahan dartood :

 

 

Xisbiga kulmiye waxa uu godka guusha galbiyey maalintuu soo xero galiyey shaxda shakaalada xisbiga ee ( axmed muumin seed iyo jamaal cali xuseen; si ka dhow sidaasna; haanta marka la tollaayo guntaa laga soo tollaa; guri marka la dhisaayana sees adag yaa loo yeelaa; kulmiye waxa uu guuleystay markay beelaha Subeer Awal guud ahaan hadafkooda siyaasiga ah mideeyeen ee hal musharax oo kaliya muruq iyo maal ku muuneeyeen; halka Beelaha Garxajis aaney mideysneyn niyad ahaan; mid kastaana dhankiisa xisbi u gaara eryanaayo; aragtidayda waa hubaal in ay guuli dheertahay waayo rabi hadiyo jeer waxa uu la jiraa ummada mideysan; ).

 

Markale ifafaalaha muuqda waxa hor dhac u ah guushii xisbiga kulmiye ku guuleystay gudoomiyaha iyo gudoomiye xigeenka golaha wakiilada oo macneynaysa in kulmiye diyaarsaday baarllamaankii la shaqeyn la haa doorashada kadib !!.

 

 

 

Tallo soojeedin :

 

Mudane xildhibaan dhamaan hoga tusyadaydani waxa ay ku saleysanyihiin xaqiiqooyin aan ka soo faluuqay sooyaalka xisbiyada iyo sida amuuruhu u socdaan; maanta iyo sabankan sax waxa ah had ba dhanka laydhu u dhacayso in aad isku daad raaciso si aaney kuugu dhufan duufaan siyaasadeed oo lamid ah taa hada ( ka dhacaysa Latin America ) kulmiye isku dhiib cidi kaama xigtee ileyn isba waa xisbi qaran e’ waliba waa suuragal in aad fursad dheeraad ah ku hesho, waayo hada xisbiga wadani adiga iyo adeerkaa siyaasiga weyn ee ismaciil hurre buubaa ayaa ku wada jira ; xisbi mucaarid ahna 2ba nin oo isku adeer ah xataa haday guuli timaado ma wada qaadi karayo; hadii la guul dareystana kaba sii arin iyo arag xun; hadaad yeeli weydana kilinka 5aad aad iskaga nasiimo tagto; illeyn faysal caliba waa kii tiraabay hadii laga guuleysto in uu qurbaha dib ugu guryo noqonayee; in kasta oo aan qof ahaan ugu hanweynahay in faysal cali waraabe laga dhigo ( gudoomiyaha golaha guurtida ) waayo waa nin weyn oo in badan hungoobey in laga meydhana istaahil ku ah ; waxaanan qabaa GARXAJIS maalinta uu si niyad ah u midoobo guul ha haybiyo inta ka horeysana umadiisa dhinac haka raaco !!.

 

 

 

Aragti shakhsiyeedkayga :

 

Qof ahaan anigu waxa aan aaminsanahay in dastuurka la furo kaabis iyo wax kabadal lagu sameeyo oo waa tuu lahaa abwaan cabdi ismaciil lahaa ( Halka lagu qubeystaa biyaha la isqotomiyaa……….. muhiimadu in REER AWDAL ay helaan Dawlad goboleed ay wada leeyihiin Samaroon + Ciise + Isaaq ; si buuxda ayey isku bixineysaa waliba dhaqaale laxaadle oo somaliland inteeda kale anfaca ayey soo saareysaa halasameeyo maamul daadajin buuxda ; dareemada guud ee istuhunsana wey degayaan tamarta iyo tacabka tuhunka ku maqana uu taabo galayaa insha’allah )

 

 

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

 

 

 



Views : 150



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines