Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Habka Federalka ah ee Somalia ee ku Salaysan Dawlad Beeleedyada oo Mugdi Galiyay jiritaanka Dawalad Dhexe oo Awood Leh.Qoreyaal: Samatar iyo Qaalib



Sun 27 August 2017.

  Dastuurka Dawladda Federalka ee Somalia  waxa qudha oo uu aqoonsanyahay dawlad beeleedda  Puntland/Majeerteeniya iyo dastuurkeeda, oo iyadu ka da'wayn Dastuurka Somalia, waana Dawlad Beeleedda aanu sharciga ama Dastuurka Somalia aanu qaban, isla markaana aan ogolayn in wax laga badalo habka  Federalka ah ee ku salaysan Dawlad Beeleedyada, maxaa yeelay Dastuurka Somalia ayaa sidaa dhigaya oo waxa ay  juu juub ku marsiyeen Garoowe1/Garoowe2  wadaadkii madax waynaha noqday/Sheekh shariif markii uu c/w Gaas u ahaa Ra'iisal wasaaraha Faroolena uu madaxwaynaha ka ahaa Puntland.

 
         Iyada  oo Aqalka  Sare/hoose aqoonsan yihiin dawlad beeleedda  Puntland/Majeertenia oo qudhana sida uu Jawaari ka dhawaajiyay malin dhawayd, hadana way ku qasbanyihiin in ay  aqonsadaan dawlad beeleedyada kale ee ka  Jira Somalia, maxaa yeelay shaxda hore ayaa loo dagay, oo  Aqalka Sare/Hoose oo badankoodu ku soo baxay tuugo iyo musuq maasaq ay ka daba ka riixayeen madaaxda  dawlad beeledyadu, waxa ay u joogaan ama matlaan Dawlad beeleedaydada soo xulay, markaa go'aankasta oo ay  gaadhaan marna ma noqonayo mid lid ku ah dawlad beeledyadii soo xulay, mana ogolaanyaan in dib u eegis ku sheegga datuurka/Fedralka wax isbadla uu keeno.    
 
          inkasta oo ay Aqalka Sare/hoose isku ekaysiinayeen rag iyo haween u taagan qaranimo markii ay doorteen Farmaajo, hal qabsigii Farmaajona uu ahaa Danta Dalka iyo Dadka, ka guurid qabiil iyo beelaysi, ayaa hadana Aqalka Sare/Hoose ee sharci dajinta Somalia ayaanu shaag lid ku ah  beelaysiga  u rogmanayn, maxaa yeelay ma aha dad lagu soo doortay waayo aragnimo ,wadaninimo,  aqoon ama karti.              
    
         Puntland oo ay Somalia u taqaan hormoodka  habka  Federaalka ee Somalia waxa uu dastuur ku sheegeedu qeexayaa in ay xuduudeedu  ku salysantahay degaanada ay Jufoyiinka/jilibyada  Harti, sida Majeerteen, Dhulbahante iyo Warsangali dagaan. Majeerteen oo ka tirsan Somalia waxa ay xuduudiisu  ka bilaabantaa halka ay iska  galaan beesha Habar-gidir oo ah Woqooyiga Gaalkacayo, Mudug.  Waxa kale oo ay sheegtaan degaanada Sanaag Bari oo ay dagaan Warsangali oo ka mida ah  Somaliland. Waxa kale oo ay sheetaan Sool qaybta uu Dhulbahantu dago oo Somaliland ah. Sida ay  Majeerteen iyo Habargidr ood wadaagta ugu yihiin Gobolka Mudug ee Somalia ayey Warsangali iyo Isaaq uGu yihiin ood wadaag  Sanaag ama wada dagaan, sidoo kale ayay Dhulbahante iyo Isaaq u  wada dagaan Sool uguna yihiin ood wadaag waligood aan xad kala yeelan, dadkuna soo ahaayeen reer guura kolba meeshii ay daruurtu ka curato u guura. 
 
               Ahaanshaha Puntland/Majeerteni a  ee hooyada ama hormoodka  Federaalka  Somalia ee   habka dawlad beeleedayda, ayaa waxa ay keentay in  ay Puntland yeelato awood gaar ah , xag lacageed/currency iyo siyaasad dibadeedba/foreign policy. Arintan ayaa keentay in Puntland  dhawr jeer xidhiidhka u jarto xukuumaddii Xasan Sheekh iyada oo ay  ku  eedaysay in habkii Fedraalka wax laga  badalay, taas oo keentay in ay Puntland u yeedho xildhibaanadii u joogay Xamar.  Waxa kale oo ay Putland awood u leedahay in ay yeelato qalab ay ku dabaacdo shilinka Somalia, lacag badana suuqa galiya si ay uGu doorsadaan Dollar- ka taas oo keentay in qiimihii Shilin Somaligu hoos u dhaco, arintan oo u eeg in ay raali ka tahay wasaaradda Maaliyaadda ee Somalia ee Khayre madaxa u yahay.        
 
             Maalin dhawayd waxa ay Puntland/Majeerteeniya  Xidhiidhka u jartay dawladda Qaddar oo ay is hayaan Sacuudiga iyo xulafadiisa, sida Imaraadka, Masar, Liibiya iyo Baxrayn. Madaxwaynaha, Puntala nd/Majeertenia Gaas ayaa sheegay in aanay Puntland ka maarmi karin Sucuudiga iyo xulafadiisa madaama ay Somali badan ku nooshahay wadamadaas isla markaana dhaqaale iyo ganacsi uu ka dhexeeyo wadamadaas iyo Somalida.       
 
         Dawladda Somalia ayaa hore khilaafka dalawdaha Khaliijka go'aan dhexdhexaad ah ka qaadatay. Go'aankan ay Somalia ka qaadatay ismaandhaafka dawladaha ku bahoobay khaliijka ayaa ay Somali badani ku macneeyeen go'aan geesi nimo, iyo sharaf Somalia u soo hoyotay, madaama ay diiday  lacag uu Sucuudigu siin lahaa. Siyaasiinta Somalia ayaa ka dhawaajiyay in ay Xukuumadda Somlia ku saxsan tahay in aanay la kala safan laba dal oo Carab ah, ama walaala ah. Waxse meesha taal in Somalia ka mid tahay Jaamacadda Carabta taas oo ka dhigaysa Somlia waddan carbeed.
 
       Xulashada  Dawlad beeleedyada Somalia ee Aqalka Sare/Hoose ee waliba doortay Farmaajo ayaa waxa ay meesha ka saaraysaa rajadii dawlad qaran ee ay dadka Somalia qabeen markii la doortay Farmaajo. Maxaa yeelay waxa sharci noqday qabyaaladdii iyo Dawlad beeleedyadii, waxa ka awood badan Xukuumadda Somalia Dawlad beeleedyada, gaar ahaan Jubaland iyo Puntland, taas oo ah in aanay Xukuumadda Farmaajo  afgambiyi karin Gaas iyo Madoobe, sida ay u afgambiday Hiirshabeele ama madaxwaynihii Hiirshabeele/Cosble, maxaa yeelay madaaxda Hiirshabeele ayaa inta badan  jooga ama dagaan ahaan ku nool Xamar oo ay Xukuumadda Khayre ka taliso. taas oo iyduna keentay in sharciga Xukuumadda Khayre qabto oo qudha reer Banaadir.
 
      Jubbaland tan iyo  markii Kenya iyo Axmad Madoobe gacanta ku dhigeen Kismaayo  waxa ay maleeshiya  beeleedda Axmad Madoobe/ONLF  bara kicin, dil, kufisi, hanti boob iyo xadhig ku hayeen beelihii  dagganaa Kism aayo ee aan ahayn beesha Axmad Madoobe/Ogaden. Bara kicinta, dilka iyo boobka ay  Axmad Madoobe iyo maleeshiya beeleediisu ku hayaan dadka kale ayaa waxa ay ku shaabadeeyaan waa argagaxiso iyo Al-Shabaab. 
 
     Awood darada xukuumadda Farmaajo ee ku aadan Puntland , Jubbaland  iyo meelo kaleba iyo cadaaladda darada ka socota Dawlad Beeleedyada ee aanay Dawladda dhexe waxba ka qaban Karin ,   waxa sabab u ah habkan Federaalka ah ee ku salaysan beelaha ee ay waliba golayaashii sharci dajintu, aqalka Sare/Hoose  matalaan dawlad beeleedyadda xaq darada wada , taas  ayaa waxa ay keenaysaa in aanay dhalan Karin dawlad dhexe oo awood leh oo fulisa sharciga oo ay hoos yimadaan dawlad beeleedyadu, maxaa yeelay Sharci dajintii/Gole yaashii matalayay dulmiga Dawlad Beeleedyada lafotoodii ayaa doortay xukumadda Farmaajo.
 
 
       Inkasta oo sharci dajinta ama goleyaasha Somalia, Aqalka Sare/Hoose ay samaysteen Gudigga Dib u Eegidda Dastuurka, uma eeka in ay wax ka badali k araan habka Fedreraalka ee ku  salaysan beelaha ee mugdiga galiyay qaranimaddii Somalia,  inta ay meesha joogaan Aqal Sare/Hoose matala Dawlad Beeleed. Waxa kale oo meesha taal sida aanay u garan/fahmin reer Somalia shaxdan/Federal beeldka ah ee  ay Puntland u dagtay ee ay iyakii isku jeedisay, geedna iskaga xidhay.  
 
           
              Mohamud Aden Samatar/Mohamud Aamin Qaalib.
               samatarapt@gmail.com


Views : 440



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines