Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Sababta 7 dan arimood ayey reer Awdal u doonayaan dawlad goboleed ay ku muuneeyaan masiirkooda iyo somaliland guud ahaan!! Dr.khadar-Libaaxley.



Sat 26 August 2017.

Nin ku yidhi I daw mari , duudsiguu tirsanayoo laga daw mariyo

Mooyee wixii kaleba doogiyo dacar bay ku huriyaan.

 

Naxariistii jano rabi hasiiyee waa erayadii saadaliyihii weynaa ee abwan gaariye,

Tuducyo kamid a maasadiisii ERGO!!.

 

7 dan sababood awgood ayey reer awdal u rabaa dawlad goboleed ay ku muuneeyaan masiirkooda iyo kan somaliland guud ahaan ba !!:-

 

1.  sababta 2ba abaal keyd oo kala ah : ubadka sheekhyada ciise, Samaroon iyo isxaaq ayaa wadar iyo wadajir ku baadigoobey xornimo raadintii jamhuuriyada jabuuti; himiladooda oo wada jirtana rabi uu ku guuleeyey xornimadii; dawladnimadii tisqaaday waxa ay astaan iyo sumada hogaaminaysa u garteen in uu usha u qabto sheekh Ciise; ( abaal kayd ah); markale dibu xoreyntii somaliland ee gacanta SNM - isxaaqiya majority kadib ; Sh.Samaroon 2ba dhacdo hawlood oo waaweyn ayuu guntay oo uu taariikhda ku muunadeeyey 1. ku guuleysiga daminta dagaal fidneedkii sokeeye ee ka dhex qarxay reer Sh. Isaxaaq dibu xoreyn ka dib taasi oo horseed u noqotay abaal dhiga labaad ee ubadkii Sh. Samaroon ku darsadeen taariikhda somaliland oo ah ( qaban qaabada, gogol dhiga shirweynihii dhamaan reer somaliland ubadka 3 dexda sheekh iyo beesha harti ay Borama; Sheekh Cali Jawhar 6 bilood u fadhiyeen , dibu hesheesiin, is-laab xaadhan iyo yagleelida iyo hurinta dhuxulaha nuurka dawladnimada fadhigeedu yahay Hargaisa ee hanaqaaday , hamuumtii ,heeryadii iyo tabaalaha diifta tii siyaad barana maydhay!! dibu xoreyntii dalka talladeeda nalama wadaajin isaaq baa kalidii dhexda ku martay rabina uu ku guuleeyey inkasta oo dhawr mujaahid reer awdal ahaayeen oo uu mujaahid C/raxman aw cali u weynaa!!;( abaal keyd ka labaad) dawladnimada hargaisa ee Sh.isaxaaq midhaha nuurkeeda ka soo shitay wallaalkii hooda-same Sheekh samaroonka Borama ; ku darsoo waliba in kabadan 88% dawladaa waxa laf dhanaan, seed iyo muruqba ka munaafacaad sada kaliya ubadka Sh.isaxaaq ; ( ubadka sh.Samaroon sababta labadaa abaal ee ay horey ugu galeen ubadka sheekh Ciise iyo Sheekh isaxaaq dartood waxa ay rabaan dawlad goboleed laga yagleelo gobolka AWDAL oo somaliland ah oo ay wada dhistaan ubadka sheekhyada Samaroon, Ciise iyo Isaaq ).

 

2.  sababta madaxda reer Awdal mataleysa ee Hargaisa joogta oo weyd aan dux iyo dubaax toona la hayn ah : tan iyo 1993 mansabyada reer awdal matalaya waxa ay yihiin kuwo aan gabno dhiiqistoodu yartahay oo badi xataa maqal koris toona la hayn; wey dhacdaa xabad-xabad ayro ah oo dhiiqaya oo cawri-gaf ahaan loogu dhex milixeeyo; hayeeshee taasina waxay u caano shubtaa haybta deegaanada caasimada ee dawladu fadhido; iska dhisid iyo habrasho ama mid ay tahayba; waxase caado noqotay marwalba gaabis iyo dirqi in ay ugu lismaan cidii xaqa ku la hayd ee ay wax ku ahaayeen; wasiirada beesha dhexe ee tunka waaweeyn mashaariicda waxqabad waxa ay geeyaan deegaanadooda; Awdal iyo reer Awdal se ayaankoodu wuxu god dhigay si iyo sabab ay tahayba; xaqa xillalka wasaaradaha gudhan ee ka gudhan mashaariicda; sidee bay Awdal iyo reer awdal horumar u hiigsanayaan? Horumarka ku eeg ( caynaba illaa Gabiley ?? Boramana curada ku ah?? saw faras lug kulama daba socdaan ??.

Wasiirada reer awdal ka mashruuc yar hella waa laga xaffaa ama dafaa- qaataa; sababtoo ah saameynta deegaanka iyo wallaalahooda ay la joogaan; waatuu abwaan gaariye la haa ( Sidii gaalka loo diray ragga rag ah daruurahaa dabeyshaa u rimisee xaggayaga duduuciyo ducashey ku fooshaa!! )

 

3.  Sababta Xaafad gaara La’aan shiyaha caasimada Hargaisa ee reer Awdal: caasimada hargaisa 4 teeda jiho iyo xaafadaba waxa yaala ( majority Beesha dhexe , tani waxa ay sumad iyo astaan u tahay laxaadka awooda dawladnimo in ka badan 88% + degsiimada caasimada = nuur kii sheekh isaxaaq !! isku fuuqsiga waxaas oo dhan waa sababta tabashada mar-walba hoosta ka nool sidii dhamiil dab ah, saluuga dawladnimo iyo yabaalka ku gadaaman; hayeeshee ay lagama maar-maantahay in la jiheeyo yuhuunta indhahan illayska hargaisa ka baxaya soo eegaya ee aan waxbadan uga dawo aheyn iyadoo aaney tallada iyo tollnimada guud aaney wiiqmeyn; waa sababta reer awdal dawlad goboleed ubadka 3 dexda sheekh listaan ku yaqleelaan; somaliland inteeda kalana liskaa ay wadaajiyaan .).

 

4.  sababta sheekh dhexe muhiimad u leeyahay darteed : diintu siday dhigayso umuur oo dhan dhex-dhexaad ayaa u khayr badan; degsiimo ahaan dhuleedna saddexda sheekh dhexda waxa ku jira sheekh Samaroon; saddexda sheekh jaantuus ahaan waxa ay yihiin ( saddex xagal isku yaal !! sax waxa ah in saddexduba iftiimaan oo illayska iyo nuurku iswada gaadho; sababtaa darteed awdal laga yagleelo dawlad goboleed somaliland oo dhan anfacda).

 

5.  Dawlada ingiriis ee gumaysi illaaleedka u aheyd somaliland waxa ay iyada lafteedu ka kooban tahay ( 4 dawladood , EGLAN,SCOTLAND, IRLAND iyo WALES; oo dhamaantood isku noqda UK , united kingdom iyo great Britain; federal government!! dawlad kaliya guud ahaan isu noqda ) sababta ay horey ugu kala baxeena ay tahay sad-bursi iyo tabashooyin dhexdooda ka dhacay ugu danbeyntiina 4 dawlad goboleed oo wada jira in ay noqdaan ku heshiiyey; waayo kala tagid kala lulasho ayaa dhaanta!!! ingiriis oo kaliya maaha waxa hab maamul siyaasadeedkan oo kale u qaabeysan dunida wadamo badan oo ay tusaale u yihiin wadamadan somaliland darisa la’ah; sidaa darteed reer awdal tiiha ay kujiraan iyo tabashada ay cidkale u daba fadhiisanayaan masiirkooda iyo baahidooda waxa ay haakah ka odhanayaan oo kaliya reer Awdal oo u dareera hab xikmad iyo miyir qab ku jiro yagleelida Dawlad gobolood ay ku illaaliyaan ( their identity ); qof ahaan waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa ( after research ) in awdal dawladnimo 100 % isku bixin karto!!!.

5.  Dhaqan ahaan sabankii soomaalidu reer guuraaga aheyd marka ay geedi iyo hayaanka ay ku furaan meel-san reeraha; ugu horeyn gaashaan qaadka iyo odayada reeruhu waxa ay soo wada oodi jireen dudo ama xayndaab ood guud ah oo lagu soo weegaarayo dhamaan reeraha si libaaxa iyo colkaba u wada ogaadaan, oo u taagan xuduuda guud ee somaliland maanta ; reerahaasi soo degay dabadeedna reer waliba waxa uu masuul ka ahaa qoqobihiisa ama inta uu gaar ahaan u sii degayo; dhanka uu gurigiisa u jeedinayo, halka uu ka dhigayo albaabka xoolaha iyo dadkiisuba marayaan, halka uu qalwada iyo edega waxaraha iyo nirgaha ka dhigaayo waxaasi oo dhan qoys waliba wey u madax banaanaayeen maamulkooda iyo tasarufkooda gaar ahaaneed; waxa kaliya ay wadaagi jireen waxyaabaha guud sida ( difaaca reeraha, duulaanka iyo gulf kicinta, qaraamaadka, iyo dhamaan hawlaha guud oo dhan) waa maxay talladan waxwalba hargaisa ku xidhanyihiin?? markuu dhaqan keenii suubanaa kaa yahay inaga oon caqligeena caayeyn reer awdal waxa ay ka mid yihiin reerahaa badan ee ku jira xayndaabka guud ee somaliland balse waxay rabaan in ay u madax-banaanaadaan masiirka dadkooda iyo qoqobahooda gaarka ah; qof ahaan waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa ( after research ) in awdal dawladnimo 100 % isku bixin karto!!!.

7.  soomaali meel ay joogaan ba maanta qabiil guud oo waliba dawlad ayuu samaystay u adeegta danahooda , difaacda sharafkooda iyo jiritaankooda !!! sababtaa darteed samaroon ma sumad laawe sidig in uu cidkale u ahaado miyaa loo abuurey? maya !! maya !! maya !! reer awdal oo dhan wey gayaan gobonimo iyo sharafka kamaqan ee dawladnimo ah ee ay tabayaan qof ahaan waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa ( after research ) in awdal dawladnimo 100 % isku bixin karto!!!.

 

Isha laaca arkaysa iyo Gunaanad:

 

Oromadu waa qabiilka ugu badan dawlada itoobiya , caasimada addisababa oromada ayaa iska leh; waxa ay ogolaadeen mar hadii ay itoobiya ugu badanyihiin, caasimadiina leeyihiin, si dawlada itoobiya u noqoto mid sii wada jirta oo waarta; in loo taliyo oo laan-gaabyada kale ay u taliyaan; somaliland beesha dhexe waxa ay qaadatay awoodii dawladnimo iyo caasimadii , ma rabaan in lagu qordiyo wax sidaa u sii ridan, taasi waa sababta beelaha u bixinayaan dareemada taban ee dabka cas ah; soo jeedintaydu waxa ay tahay si is-jacaylka , walaaltinimada iyo somaliland u sii wada joogto dastuurka ha la furo; oo ha lagu daro; dawlad goboleedyo darifyada ah, waayo waxa aynu u baahanahay in aynu u noolaano sida wadamada geeska afrika ( Ethiopia ,somalia, UK, U.S.A).

 

Cid nacayb iyo xumaani cidna iima hayso, reer somaliland oo dhan wanaag iyo qadarin buuxda ayaan u hayaa, waayo waa inta aan ka hido beermay dhamaantood; sabab aan u qoonsadaayi ma taalo, dareenka jiraayi waa xisaabtan walaalnimo kaliya.

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

 

 



Views : 225



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines