Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Gobolka AWDAL bay ka yar-yihiin 27 kan dawladood ee caan bixid, calan iyo xornimo buuxda haysta !! Dr.khadar-Libaaxley.



Sun 20 August 2017.

Horaa loo yidhi : Wallaalkaa Wiil kala how !! Wiil kaagana Wallaal ka la how !!

 

Dawlada somaliland dawlad-goboleed ka la how !! dawlad goboleedkaagana dawlad ka la haw!!.

 

 

In kabadan 200 oo wadan-dal ama dawladood ayaa dunida guudkeeda ah

Dabcan dhagahaagu marka ay maqlaan wadan - dal amaba dawlad !! sawir maskaxeedka maankaaga markiiba ku soo degdegaya waxa uu tibaaxayaa ( dhul weyn, ummad farabadan oo nooc walba leh ay yaalaan !!) xaqiiqduse waxa ay tahay waxa jira wadamo ama dawlado farabadan oo xataa madaxbanaani buuxda haysta ( balse dhul iyo dad ahaan ba aad uga yar-yar magaalooyinka somaliland ee waaweyn !! dunida waxa jira 27 wadan oo calan iyo xornimo buuxda haysta dhamaantood gobolka AWDAL leeg iyo kaba sii yar-yar ; Awdal badkeedu = 21,374km square !! 100% wadamadan sirta iyo shardiga koowaad ee u saamaxay in ay dal buuxa oo madax banaan noqdaani kaliya waa in uu leeyaay BAD; open country the world- means it has sea & can survive !! ).

 

 

Bandhiga wadamada caanka ah ee xornimo buuxda haysta ee gobolka AWDAL ka weynyahay!!!………………………………………………

 

Top Ten Smallest African Countries by Area:

 

 

  • Country

  • Burundi

  • Rwanda

  • Djibouti

  • Swaziland

  • The Gambia

  • Cape Verde

  • Comoros

  • Mauritius

  • Sao Tome and Principe

  • Seychelles

  • Capital City

  • Bujumbura

  • Kigali

  • Djibouti City

  • Mbabane

  • Banjul

  • Praia

  • Moroni

  • Port Louis

  • Sao Tome

  • Victoria

  • Area in Sq. km

  • 27,830

  • 26,338

  • 23,200

  • 17,364

  • 11,295

  • 4,033

  • 2,235

  • 2,040

  • 964

  • 455

  •  

* Source: CIA The World Factbook

 

 

 

Top Ten Smallest Asian Countries by Area:

 

Country Area ( sq-kms)

Israel 20,770

Kuwait 17,818

Qatar 11,586

Lebanon -lubnaan 10,400

 

Bahrain 760

Singapore 697

Brunei 5,765

Maldives 298

Armenia 29,743

 

* Source: CIA The World Factbook

 

 

10 Smallest Countries In Europe:

 

Kuwan yurub waa kuwa dunida ugu yar-yar waxa ka mid ah dalka qaarada yurub ugu yar ee ( Vatican city ), 10 bankan dhamaantood mid waliba waa magaalo kaliya balse nasiib wanaag haysta dawladnimo buuxda iyo aqoonsi caalamiya.

 

 

Gabogabo:

 

30 kaasi dawladood ee dunida inteeda dawladaha buuxda ah kula barbar kifaaxaya dawladnimo u dhiganta; waxa ay ka markhaati ka ceen in aaney sirtu aheyn baaxad , xadi dhuleed iyo xataa dad tiro badan; balse sirtu tahay garasho garwaaqsi hufan leh, bisayl siyaasiya iyo xilkasnimo la dhaqan galiyey oo ka garaabey rabitaanka shucuubta dawladahaasi yar-yar.

 

Dawlada federaalka ee somalia waxa la gudboon in ay aqoonsato jamuuriyada somaliland si buuxda oo naf-hurid leh; waayo carabtu magaca sare waa ka carab; balse waa ku dhawaad 10 ban dawladood; si lamid ah soomaali waa soomaali balse wey u qalmaan in ay noqdaan dawlado badan oo walaalo isweheshada ah.

 

AWDAL iyo REER Awdal waxa ay si buuxda xushmad iyo xilkasnimo ku jirto dawlada iyo golaha shacabka ee reer somaliland ka rabaan ( Dawlad Goboleed ay maamulkooda iyo masiirkooda u madax banaanyihiin 80% , dawlad goboleed qaab dhismeedkeedu ka kooban yahay beelaha Samaroon, Ciise iyo Isaaq; dheefteedana ay yeeshaan beelahan iyo dhamaan reer somaliland!! cilmi baadhis qoto dheer iyo bogosho dhanwalba dhanwalba ka eegid leh kadib 100% kalsooni buuxda iyo filasho wanaagsan baan ku qabaa in Awdal ay isku bixin karto dawlad goboleed ka mid ah somaliland korna u sii qaadi karta dhaqaalaha dalka , midnimada iyo dareenka wada la haanshaha dalka, hada sida xaalku yahay somaliland waa la iskor yaalaa ee la isma barbar yaalo; waxa u daliilah culeyska da’yarta iyo badi dadweynuhu dareemayaan ee isasoo taraaya; si nafis iyo kurbo kala dejin loo hello waa lagama maarmaan siyaasad furfuran oo macno u leh reer somaliland iyo mustaqalka; waa lagama maar-maan dastuurka in lafuro oo kaabis iyo wax kabadal xeerar dadka wada deeqa lagu kordhiyaa; sidan hada nidaama dalku yahayay kaliya beesha dhexe ayey danteeda u dhoor kiileysaa !! iyada oo la heli karo habab badan oo kale oo beesha dhexana uga sii fiican beelaha kale ee dalkana u fiican dhamaantoodna wada jir ku doogsanayaan sida asaagooda dunida!! isbedel siyaasiyiinta maanta joogaa ay keenaan waa waxa kaliya ee la wada filaayo taariikhdana u gali-doonta!! ).

.……………………………………………………………………………………………………………………………….

 

 

Lasocooooo qormada xigta ugu yaraan 7 sababood oo maangal wada ah dhankayga iyo dhankaaga oo reer awdal ku doonayaan dawlad goboleed maamulkooda iyo masiirkooda ay ku muunadeeyaan !!.

 

 

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

 

 

 



Views : 229



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines