Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Af-lagaado ma gayo ugaaska guud ee isirka somalida prof. Saleeban Axmed Guuleed iyo tallooyinkan ku socda…!! Dr.khadar-Libaaxley.



Mon 14 August 2017.

Dabeecada nolosha waxa ka buuxa siro badan oo u baahan bogasho iyo dhuuxid ka dib markaad indhaha hoose ku akhrido kuu tilmaamaya waxa ay u macno taaganyihiin !! Qof ahaan waxaan si buuxda u aaminsanahay in uu jiro oo uu shaqeeyo maanta ( ugaaskii guud ee Beelaha samaroon!! oo waliba u gud-bay in uu noqdo ugaaska guud ee isirka soomaalida geeska afrika!! 1991-2017……… doorkan ugaasnimadii samaroon waxa ay ku timi hab casri ah oo ka duwan sidii hore ee lagu yaqaaney !! dadkuna ma wada fahamsana inta rabi fahamsiiyey ma’aan sheegin ; ugaaskaasi cidkale maaha waa prof. Saleebaan Axmed Guuleed !! rabi cimriga iyo caafimaadka ha u dheereeyee !! ) ugaasnimo waa nooc kamid ah hogaaminta umada iyadoo ummadu dabagaleyso shakhsi wax-tar u leh oo ay u tuhmeyso in uu illeyska hor-qaado si mugdiyada sabanka uu kala dabaasho.

 

 

 

Sababta aan prof. Saleeban Axmed ugu tilmaamey ugaaska guud ee soomaali :-

 

Marka roob mahiigaan ah dhulka iyo dhirtaba biyo dhigo si harqis leh ee xooluhu ruqdaan, dadka iyo dugaaguba ay qadh-qadhyo darteed soo rogan kari waayaan ee ay baahi weyn u qabaan dab u shidasho iyadoo dhirtii oo dhami qoyday !! ( xilligaa geedka kaliyee dab laga shidan karo ama olol dabeed dhaliya waa geedka loo yaqaan maygaag !! prof. Saleebaan waxa uu lamid yahay geedka maygaag mana gayo af-xumo iyo af-lagaado !! 1991 sabankii soomaali badan keed habeenku u dumay ee ay isdiiratayee haadkiyo waraabuhu ka hirqadeen hilba hoodu; prof. Saleebaan waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii miyirka iyo maanka u fadhiisiyey reer somaliland mudo kadibna si ruuxiya soomaali iyo geeska afrikaba wuxu u fadhiisiyey sidhinka miyirka iyo maanka !!

 

Dawladii xamar markii ay duntay dadka intii labeenta iyo ill-qabadka u aheyd sabankaa badankoodu qurbaha qaxootinimo u hadh-galeen; sida ( musharax maxamed caligaa maanta ka hor cidiba aaney arag; ee aayar intuu koodh iska soo xidho si fudud iska leh dad iyo dal aanu tacab ba gashanin madax baan idiin noqonayaaye codka isiiya!! yaab dunida uma dhimatid intaad nooshahay!!) yeynaan tusmada qormada ka bixine mudane akhriste; soo noqdaye adna illa soo noqo!!.

 

Ugaaska guud ee isirka soomaali prof. Suleymaan Axmed Guuleed uu tagi karayey qurbaha oo uu daneysan karayey xilligii soomaali gadoonku dhacay; hayeeshee rabi ayaa ummadu markay dhiidhi lugaha lagashaba cid ka saarta u soo diree; maalintay xumeyd ee ay adkeyd waa kii prof. Suleymaan hormuud iyo hanad ugaasnimada aan sheegayo ku gardaadsaday ( shirkii nabadeynta iyo dibu heshiisiintii beelaha somaliland; markii xigayna rabi garansiiyey ee u gacanta prof. Suleymaan u soo dhiibey 3 da eray ee xabadaha nuurkoodu ka dhex shucaac shidmayo geeska afrika inta soomaali joogtaba ; saddexda -3 eray waa peace and knowledge is the vehicle of development ); waa tusmada astaanta u ah jaamacada camuud!! waa tusmada uu shamaceeda shiday prof. Suleyman; waa tusmada faaftay ee ninkasta oo siyaasiya ama masrax ka hadlayaayi yidhaahdo, ninkasta oo madax-dhaqameed ah iyo dhamaan rag iyo dumar meel ay soomaali joogaanba geeska afrika ay kaliya u murti hadal tilmaamaan marka ay shacabka farayaan wax ama ku bogaadinayaan arin erayadan saddexda ah :

 

1. ka shaqeynta nabad galyada sir iyo caad

2. In tacliintu faafto nooc ay tahayba

3. Labadan tusmo ee sare ayaa saldhig u ah tan saddexaad ee ah dhiirigalinta horumarka ummada.

 

 

Faafinta saddexdan eray markalana aan qodobeynay ee ah sumada Jaamacada Camuud waa sifaha uu ku mutaystay prof.Suleymaan ugaasnimada ee isirka soomaali sabankan casriga ah .

 

Xilligay rajadu gudhay ee ummadu mugdiga gashay waa illeys shidihii ku dhawaaqay 1998 ( in uu gayiga somaliland jamacada Camuud -Borama ka shido shamaceeda; Jamacadii ugu horeysay caro soomaaliyeed burbur ka dib; iyadoo soomaaliba ku tilmaantay wax maangalnimada ka fog; xaalka lagu jiro darteed; madaxweynaha Djabuuti ismaciil cumar geele ayaa laga hayey in uu yidhi; jamacada camuud markii la sameeyey kadib ayaan yaqiinsaday in dalkayga jabuuti jaamacad yeelan karo; waayo horey ardayda jabuuti dibada ayaa loo diri jiray;

Jamacada camuud waxay dhashay dhamaan jaamacadaha maanta ka furan geeska afrika; oo u biyo shubmaya illeyska iyo nuurkii uu shiday prof. Suleymaan Axmed Guuleed!!! marka aan leeyahay ugaaska guud ee isirka soomaali ; miyaanu xaq iyo xalaal ugu qalmin sifo tilmaameedka aan ugu wanqaley ciwaanka qormadan?!

 

 

Gunaanad :

 

Qof ahaan qiimo uma yeelayo wax-tirsiga aan sidaa u sii tamar badneyn iyo dareemada isdiidan ee guud ahaan Beelaha u dhexeeya; isdiidmooyinkaasi oo aan caqliyada fayow ku dhisneyn Mudane ugaas prof. Suleymaan waa sax in jaamacada camuud dhul ku filan hesho hada iyo mustaqabalkaba; qiime iyo qaayo aad leedahay qarin maayo; sida qalad andacoodka odayada beelaha bahaber muuse ay u sheegayeen shaley !!

 

Odayada hadley wey qaldameen kuleyl keenayba ha joogee!! qaladkaasi kali kuma aha oo indhaweyd ba reer Awdal wax aaney dhaqan u lahaan jirin ayaa soo galey oo uga soo gudbay beelaha darisk, waayo waxaan nabad iyo caano aheyn waa la kala qaadaa ayey soomaalidu odhan jirtay !! waxa bilaabmay casri warbaahinta la iska fadeexeeyo; sax maaha; waxa la yidhi: gacmo geel jire hoos hoos baa loo dhaqaa !! iyadoo la helayo wada-hadal furan; hadii la is-afgaran waayana maxkamado jiraan!! maxaa keenay in bulshadu wada maqasho fadeexado iyo af-xumo aan loo baahneyn??????????????????????????????????

 

Prof. Suleymaan waxa aan kuu soo jeedinayaa:

 

1. dhulkaa tolkaa sheegayaan oo aad adna jaamacada ugu baahantahay in aad ka iibsato ; ku kala bixid sharci iyo cadeymo ka dib; haday ogolaadaan.

 

2.  in aad kaba tanaasusho mar hadii ay agooni leedahay sida odayadu sheegeen.

 

Odayada hadley iyo dhamaan madax-dhaqameedka reer Awdal waxaan leeyahay:

 

Ha laga fogaado waxkasta oo dadka qodxo iyo jidhiidhico ku beeraaya; oo halaga waantoobo muruga iyo war-xumada warbaahinta la la imanaayo; waa nusqaan iyo xaalad abuur aan xikmad ku jirin nooc uu yooyootan yahayba.

Waxa aan rajeynayaa dhaqankaa ummada reer somaliland ku soo kordhay in dawladu tallo ka yeelato wey fududahay sida loo dabar goyn karaayiye.

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 



Views : 190



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines