Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

TIRO SIMAN SIDEED TUUR SODON KEEN KA SIIB KOW WAXA HADHA BAL SUUREE



Mon 14 August 2017.

Sidaan ka wada dharagsanahay, waxaa jira khilaaf baahsan oo u dhaxeeyay Golaha Wakiilada mudooyinkan. kaas oo salka ku haya. doorashiidii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada. Sidaynu wada ogsoonahay waxa Guddoomiya'nimada Golaha wakiilada u tartamayey laba xildhibaan oo kala ah Xil. Cabdiraxman Maxamed Talyanle iyo Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax.

Tirada mudanayaasha soo xaadiray kal fadhiga lagu dooranayay shir gudoonka waxay ahaayeen 78 mudane. Waxayna codadkii doorashada kala heleen sidan. Xil Cabdiraxman Maxamed Talyanle Wuxuu helay 38 mudane halka Xildhibaan Baashe Maxamed Faarah uu helay codka mudanayaasha 39 mudane sidaana ay guushii ku raacday Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax Oo uu ku noqday gudoomiyaha golaha wakiilada jamhuuriyada somaliland, Xalaal iftiin baa la cunaa waxay soomaalidu tidhaahdaa gardiid waa alle diid runtii waa doorasho si xor iyo xalaal ah u dhacday oo la isku hanbalyeeyay laguna kala calaf qaaday, balse waxa la yidhi ''Inkastuu durdur iyo dabaal galo, Doofaar abidkii ma daahiro oo ma daayo dabeecadiisa. bal aan eegno cirro iyo doorashadii kadib waxa dhacay caadidii iyo camalkii lagu yaqaan cirro wuxuu shir isugu yeedhay intii ay heshiiska ku ahaayeen hagardaamada qaranka.

Shir kaasoo go'aanadii laga soo saaray uu noqday mid tartankii ku dhammaaday tahniyada iyo isu hibaynta laga daba tago oo muran la galiyo isla markaana dacwad maxkamada sare loo gudbiyo.

kadib waxaa maxkamada sare u gudbiyay dacwad C/raxmaan maxamed talyanle dacwadaas oo ku taariikhaysan 08/08/2017. markii ay maxkamadu daristay awooda sharci ee ay u leedahay waxay soo saartay qaraarkan, waa kan go aankii maxkamada sare:-

Qaraar ay soo saartay maxkamada sare waxay qaraarisay dacwada maxamed talyanle u soo qortay maxkamada sare ee ku taariikhaysan 08/08/2017 in

aanu waafaqsanayn qodobada sharci ee khuseeya maxkamada dastuuriga. maadaama aanay jirin dacwad dastuuriya oo waafaqsan qodobka 98aad faqradiisa B iyo T ee dastuurka jamhuuriyada somaliland waxayna qaraarisay in dacwada uu maxkamada u soo qortay maxamed talnyanle in lagu xaliyo xeer hoosaadka golaha gaar ahaana si waafaqsan qodobka 37aad oo ka hadlaya soo jeedimaha iyo qodobka 42aad oo ka hadlaya noocyada codaynta iyo muranadooda iyo sida loo xaliyo ee Xeer-Lr.-01-2006.

Qaraarkani waxaa loo cuskaday sadexdaa qodob waa qodobka 37 ee Xeer-Lr.-01-2006 qodobka 42aad Xeer-Lr.-01-2006 iyo qodobka 98 ee Dastuurka jamhuuriyada somaliland. qaraarkan oo soo baxay 12/08/2017 waxaana qaraarka ay maxkamda sare soo saartay ku saxeexnaa oo kow ka ahaa gudoomiyaha maxamada sare.

 

1,pro aadan xaaji cali axmed {Gudoomiye}

2, maxamed cumar geele {xubin}

3,cabdiraxmaan xasan nuur {xubin}

4, cabdilqaadir axmed maxamuud {xubin}

5, cabdiraxmaan jaamac hayaan {xubin}

6, cabdiraxmaan xasan mataan {kaaliye}

 

DASTUURKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

QODOBKA 98AAD

Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay:

 

b. In uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha dastuuriga ah iyo xeerarka deg degga ah iyada oo la raacayo Dastuurka.

 

t. Inuu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha Dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dadweynaha dhexdooda.

j. Inuu ka taliyo muran kasta oo Ia xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka.

 

2. Ma bannaana in garsooruhu qabto shaqo kale inta uu hayo xilka Garsoorka.

 

3. Daryeelka ku habboon garsoorayaasha xeer baa nidaaminaya.

 

Xeer-Hoosaadka-Golha-Wakiilada-Xeer-Lr.-01-2006

 

(Qodobka 37’aad)

 

Soo jeedimo (motions)

 

Waxaa bannaan soo jeedimo (motions) Golaha loo soo gudbin karo kuwaas oo xubno mudaneyaal ahi soo jeedin karaan.

 

2. Soo jeedintu waa inay sharciga waafaqsantahay, xubnaha soo gudbin karaana waa inaysan ka yarayn toban iyo kow (11) mudane.

 

3. Soo jeedintu waa inay qoraal tahay, saxeexan tahay lana soo gaadhsiiyo Guddoomiyaha.

 

4. Shir-gudoonku wuxu soo hor-dhigayaa soo jeedinta Golaha, haddii ayna soo jeedintu ka hor-imanayn Dastuurka, Sharuucda dalka ama xeer-hoosaadka Golaha, kadibna waxuu ogalanaya in laga doodo.

 

5. Hadii qoraalka soo jeedinta ay ku jiraan erayo wax u dhimaya Golaha, wada soo jeedinta wax ka badalaan ama kuwa turxaanta leh ka saaraan qoraalka, hasa yeeshe haddii ay diidaan inay badalaan erayada wax dhimista ah laga doodimaayo, soo jeedintooda.

 

6. Haddii ay muuqato soo jeedintu aysan waafaqsanayn dastuurka ama xeer-hoosaadka Golaha loo qaybin maayo Golaha, lagana doodi maayo soo jeedinta.

 

7. Intii aan laga doodin soo jeedinta, qof kamid ah xubnaha keenay soo jeedinta ayaa ka caddaynaya golaha hortiisa ujeedada soo jeedinta.

 

8. Soo jeedinta (motion) ku saabsan wax kabadalka iyo kaabidda dastuurka waxa loo raacaya sida waafaqsan qodabka 126’aad ee Dastuurka JSL.

 

Xeer-Lr.-01-2006

(Qodobka 42’aad)

 

Noocyada cod-bixinta.

 

Cod-bixintu waxay u kala baxdaa sida soo socota: -

 

B) Cod-bixinta qarsoodiga ah

 

t) Cod-bixin gacan taag ah

 

2. Waxa Goluhu uu codayn qorsoodi ah ku gaadhi doonaa go’aanada la xidhiidha.

 

b. Arimaha nabadgalyada saamaynta ku leh ee heer qaran.

 

t. Markii toban iyo kaw (11) mudane soo jeedin qoraal ah ugu soo gudbiyaan shir-Gudoonka in cod-bixin gacan taag ah laga dhigo qorsoodi, Goluhuna aqlabiyad hal dheeri ah ku ogolaado.

 

j. Marka ay shir-gudoonka la haboonaanto golahuna ku jideeyo go aan gole oo ah aqlibiyad hal-dheeri ah.

 

3. Cod-bixinta qorsoodiga ah waxay u dhacaysa habkan: -

 

B. Guddoomiyahu waxuu diyaarinaya sanduuqa codbixinta.

 

T. Wuxu fasiraya nooca codbixinta.

 

J. Wuxu amrayaa xaadirinta mudanayaasha & in loo qaybiyo mudanayaasha Warqadaha cod-bixiyayaasha, hadii tiradii kooramka ee loo baahna joogto.

 

X. Cod-bixinta qarsoodiga ah guddoomiyaha Golaha ayaa xaqiijinaya tirada mudanayaasha codka bixiyay, codka khasaaray, ama aan labixin, waxuuna ku dhawaaqaya najiijada codbixinta.

 

4. Cod-bixinta la xidhiidha wax ka badalka ama kaabidda Dastuurka JSL waa gacan taag,

 

5. Mudanayaasha ogolaada, diida, ama ka aamusa codbixinta waxay taagayaan gacanta marka codbixintu tahay gacantaag.

 

6. Codeynta gacan-taag ah waxa tirinaya xoog-hayaha golaha, una gudbinaya gudoomiyaha si ugu dhawaaqo gudoomiyahu natiijada codka.

 

7. Marka codka la qaado hadii ogol iyo diidan tiro is le’eg noqdaan cida Gudoomiyahu raaco ayuu codku ku ansaxayaa.

 

8. Marka la codanayo mudanaha aan dhinacna u codeyn (Ogol/diidan/aamus) isaga oo fadhiya shirka waxa loo aqoonsanayaa mudane aamusay.

 

9. Hadii la arko qaladaad habka cod-bixinta qarsoodiga ah ama gacan-taag, Gudoomiyahu waxuu baabinaya natiijada cod-bixinta waxaana si deg-deg ah loogu noqonaya cod –baxinta cusub ilaa inta ay ka sugmayso codbixintaasi. Natiijada codbixin kasta waxaa ku dhawaaqaya gudoomiyaha golaha isagoo caddaynaya tirada ogolaatay, tirada diiday, tirada ka aamustay & tirad xumaatay.

 

10.Marka codaynta la isku qal-qalqaalinayo ama intaan natiijada lagu dhawaaqin mudanayasha waa ka mamnuuc hadalka iyo doodu, kamana bixi karaan fadhiga ilaa ay natiijada codeynta lagu dhawaaqo. Mudanaha sidaas ku dhaqmi waayana waxa loo aqoonsanayaa mudane jooga oo aamusay.

 

Abwaanka: Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

MAAN SADII GURMAD

Haddaan eego gees kalena
Gedday tahay dheesha taal
Inuu hebel guul heliyo
Inuu gudbiwaayo hebel
Galaasku halkaa ma yaal
Nimaan garanoow u toos

 

Bal aan eegno waayihii iyo hagardaamooyinkii uu cirro golaha soo mariyay

February 07, 2014 waxuu cirro sameeyay falkii ugu fool xumaa kaas oo uu keenay golaha sharci awooda u gaar yeelaya kaligii balse mudanayaashii garashadoodu odhanaysay somaliland waa la wada leeyahay waa ay ka diideen, mudanayaashii kulmiyena waa ay ka diideen dawladuna waa ay ka diiday.

Qodobada ay dawladu ka Diiday Cirro ayaa ahaa kuwo salka ku hayay Isku Shaandhayn uu ku sameeyay Gudi hoosaadyada Golaha Wakiilada taas oo ay qaadaceen labadiisa Gudoomiye Xigeen Iyagoo dacwad arrintaas ku aadan u Gudbiyay Maxkamada Sare ee Distooriga ah.

Cirro Markaas ka dib waxaa Uu dacwadii Maxkamada ku buriyay Go’aan gole kadib markii uu Isku Shaandhayntii ay ka soo hor jeedeen ku Xigeenadiisa iyo Xildhibaano damiirkoodu noolaa ku amar ku taagleeyay.

Talaabada labaad ee Cirro uu qaaday Waxay ahayd Wax ka bedelkii Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada oo Hogaaminta Golaha u gaar yeelaysay Cirro. Sidoo kalena Meesha ka Saaraysay Magacii Shir gudoon, taas oo Awoodii oo uu damacsanaa inuu awooda kaga qaado labadiisii ku Xigeen taasina waxay noqotay dhacdo ugub ku ah aqalka golaha wakiilada jamhuuriyada somaliland.

Balse garashadii Cirro Ee sidaa Odhanaysay maalmo Ma ahayn Waxay Sii socotay,waxaana xukuumadu dib ugu celisay labadiisii ku xigeen ee kuraasta agyaala uu kasoo dhaadhiciyay uuna keenay meel uu garbahooda lugihiisa dul saaran karo xukuumada oo si garba siman shir guoonkii u fadhiisisay:-

 

GURMAD

Gun baa haan laga unkaa

Duq baa geel loo tumaa

Gaw ban ka aqaan durbaan

Waxaa geed la la tagaa

Genkaad tahay erey la da'ah

Gefkana bashar baad u tahee

Haddii aad ka garowdo khalad

Gob bay tahay caadadeed?

 

Bal hadii aan dib u xusuusano:-

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale waa kii cirro ku eedeeyay inuu albaabada u laabay Golihii Wakiilada oo ah mid ka madax banaan Golaha Fulinta,bal dib u xusuusta hadaladii cirro ee maalintaa uu ku kiciyay shacabka sobobayna dhimasho iyo dhaawacba waxuu yidhi Weedhahan:-“Shacaboow Waad aragtaan Waxa uu Daahir Rayaale ku Samaynayo Golihii Wakiilada ee Codka Dadweynaha Sidiisa oo kale ku Yimid,Waa kaas Qufulka Ku Jebiyay, Waa taas Xildhibaanadii loo diidan yahay inay Xaruntooda galaan, Waa taas Shir gudoonkii oo ah Hab Maamuuskii Qaranka Xafiiskooda Ciidan loo dhigay''.

Intaa Kadib Waxa dhacay mudaharaad sobobay dhimasho iyo dhaawacba.Maalintaa waxa hadlay madaxweynaha hada talada dalka haya Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Xiligaas ahaa Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye oo Mucaarid ahaa,Waxaanu yidhi:-

“Sida dawladii hore ma faro galinayno Golayaasha Sharci dejinta wixii ay awood distoori ah u leeyihiin waanu ku xaq dhawraynaa wixii talo ah ee ay noo soo gudbiyaan waanu ka qaadanaynaa waxaan rabaa inuu Xidhiidh Wanaagsani ina dhex maro,ulla dhaqmi mayno sida xukuumadu ulla dhaqantay golaha kana yeeli mayno sida cirro u kiciyay shacabka aan waxba ogayn ee uu kiciyay cirro qaarkoodna dhinteen qaarna ku dhaawacmeen.

 

HADRAAWI

Bahalow Shabeellow

Hoy bara baraalow

Waaryaa nin buureed

Bulsho waxay ku leedahay

Beri waxan ogsoonaa

Adigoo baruurtiyo

Cunin bulad Ammaankoo

Riyahaaga baadhee

Bishan iyo bisheedii

Boqol iyo lag baa maqan

Wanankii Ba-Ceeblee

Badhi iyo leg goormaa

Boholyowgu kuu galay?

 

Bal maxaa hadaba Dhacay intii xukuumadani joogtay:-

Wuxuu madaxweynuhu hor keenay golaha xeerka hay'adda ka hor taga tahriibka waxase diiday ansixintiisa cirro,wuxuu madaxweynuhu hor keenay golaha xeerka lagu soo dooranayo golaha wakiilada cirro waa kii dhacdadii ugu xumayd sameeyay ee iyadoo ay,golaha ka baxeen xildhinbaanadii laga soo doortay G/Awdal waa kii yidhi looma joojinayee ansixiya ee codka galiyay.

Waxaan ogayn Xirsiga hogaanka u haya cirro Wakhtiguu Wasiirka ahaa ayuu warbaahinta ka sheegay inuu Xeer kasta qurbaankiisa qaadan jiray isagoo cirro duraya ayuu yidhi “40 Xeer ayaanu ka marsanay Cirro”. Waxa hadalkaa laga hayaa Xirsiga maanta hogaamiyaha Waddani ah.

Mar golaha uu horgeeyay xirsiga hada majaraha u haya cirro xeer lagu kordhinayo cashuurta xoolaha,waxaa ka soo hor jeestay cirro balse waa la marsaday isagoo xirsi sida uu u bah dilay sharaftii cirro Wasiir Xirsi waxa uu sii biniixiyay Qorshaha ku talo gal ee Wasiirku uu ku Wajahayo Mucaaridada kaga furantay Golaha Wakiilada isagoo Yidhi ''Nin reer Miyi ahaan jirey oo Beeshayda ah oo Riyaha Dhaqda ayaa wuxuu lahaa laba xaas iyo Ciyaal kadibna Maalin maalmaha ka mid ah buu Caano Riyaad ka dhergey markaasuu Xaasaskiisii ku yidhi yaa legdin ii baxaaya? Dabadeedna marba mid buu legdaa Xaasaskiisii iyo Caruurtiisii Maalintii danbe ayuu Magaalada yimid ninkii markaasuu dadkii ku yidhi Yaa Legdin ii baxaaya? Ninbaa usoo baxay markaasuu Beerka kaga fadhiistey, ninkii reer miyiga ahaa baa Sanka Caano Ka Keeney Cirro in badan buu golaha lagdee waa kaa maanta sanka caano aan ka keenay ayuu yidhi.

Isku soo wada duuboo waxa marag madoon ah in Cirro intii uu Gudoomiyaha golaha wakiilada ahaa awoodii iyo dhaqaalahii Gudoominta G. Wakiilada uga faa'iidaystay danahiisa Siyaasada, kana dhigay kursi u shaqeeya Xisbiga Waddani, Kursiga Baarlamaanka13 sano ayuu ku soo fadhiyay siduu ku yimidayna shacabku way ka wada dharagsanyihiin oo boob ayuu ku fadhiistay iyadoo 33 mudane oo xisbigii Udub iyo gudoomiyihii golaha wakiiladu ay ka baxeen kal fadhiga ayaa cirro la doortay maantana isagoo dhex jooga walibana codeeyay oo hanbalyeeyayna guushii meeshay raacday,waa kaa hadana hal cod baa nala hoos marshay uu leeyahay taasi waxay tusaale u tahay lexejeclo la'aanta qarankan ka haysa cirro.

Ugu danbayntii, sharciyan waxaan qabaa in Maxakamada Dastuuriga ahi ayna awood u lahayn in ay ka garnaqdo khilaafka golaha wakiilada balse ay ku saxan tahay soo jeedinta sharci ee goluhu khilaafkiisa ku xalisan karo iyo sida uu gudoomiyaha maxkamada sare uga jawaabay dacwadii uu talyanle u soo gudbiyay.

Waxaaan ku soo gabo gabaynayaa tudduc ka mida maansadii

 

GURMAD

Waxaan godobtiisu hadhin

Gar aad leedahoo uu ogyahay

Nin kaaga masuugay gole

Waxaa gabay lagu saxdaa

Candhuuftu gashaa dalqada

Markuu milil guud ka dhayo

Golxoo dhami maaha dhalan

Mar bay ged kaleeto tahay

Dibnahoo ku gariira iyo

Gengada waxaa keenta been

 

Bal aynu eegno tudduc ka midda maansada {DAMAC SIYAASADEED} oo kala dooransiinaysa shacabka somaliland cida ay ku aamini karaan dalka codkoodana u hibayn karaan.

 

Waa damac siyaasadu

Salbalaadhan oo wayn

Sababteedu waxay tahay

Saaxiibadii shalay

Safka kali ahaa ee

Sirta wadaagi jiray bari

Seefta isugu dhiibtoo

Salaanta ay isla dhaafaan

In la saluugo waxa mudan

Ninka si xun ku gooba

Sad aanu lahaynoo

Xilka sahal u haystee

Isagoo sideed iyo

Sodon helay cod tirintii

Sodon iyo sagaal buu

Saamigaygu yahay yidhi

Nasiib hadii uu saacido

Berri geeyo meel sare

Wuu siqiirin taladoo

Sallaan buu ka tuuriye

Waxtarkii siilaanyiyo

Saylici abuureenbuu

Seero ku soo celin

Dadka somaliland

Waan idin su'aalee

Adoo arkay sabbo barwaaqo ah

Abaar miyaad la simi lahayd?

Malaha waan sarbeebee

Siyaasigaasi liitee

Salfudayd ku caanbaxay

Codka maynu siinaa

Mise waa sacabo timo leh?

 

By:Abdirahmaan sulieman hashi

garyaqaanbaradhe21@gmail.com

{0634474901}

 

 

ALLA MAHAD LEH

 

 



Views : 296



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Akhriso; War Saxaafadeed Maraykanku ku Sheegay Inuu Somaliya ku Diley 100 ka Tirsan Alshabaab.