Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Subag weel ku daatey sina uma xumaado by maxamed jeex



Fri 04 August 2017.

Waxaan ka qayb galey xafladii xil wareejinta ee wasiirkii hore ee xidhiidhka gollahyaasha ,cilmibaadhista &tignoolajiyada CALI XAAMUD JIBRIIL & wasiirka cusub ee lagu badaley oo ah  ruug cadaa siyaasi ah mudane AXMED XAAJI DAAHIR CILMI. 

 

Runtii waxay ahayd xaflad aad u qiima leh oo si fiican loo soo agaasimay waxa meeshaas ka dhacay kaftan aad u wanaagsan oo muujinaaya iney yihiin labo wasiir oo aad u wanaagsan ,Somalidu waxay tidhaahdaa hadalka nina si u yidhi nin si u qaaday 

Anigu waxaan u arkaayey mid si qadarin leh u qabsoontey xafladaasi.

 

Markaan arkey sida loo soo buuxshay hoolka xaflada waxaan ogaaday iney ahaayeen labada wasiir kuwii ugu tunka weynaa gobolada awdal,salal & galbeelka gabiley taasina maaha mid markhaati cid looga doonaayo waayo? waxaa cadayn u ah sida dhamaan ay uga soo qayb galeen masuuliyiintii reer somaliland.

 

Maahmaah somali ayaa tidhaahda.Saddex uu Hoggaamiyuhu u baahan yahay: 1)Caqli. 2) Maal. 3) samir.intaaba wey leeyihiin labadan wasiir ee ka soo jeeda gobolada  aan kor ku xusay magacooga.

 

Ex wasiir cali xaamud & wasiirka cusub  axmed xaaji daahir waxay ka soo jedaan beelaha ugu balaadhan galbeedka somaliland dad ahaan & dhul ahaanba.

 

Guntii & gabagabdii 

Xafladaa xilka lagula kala wareegaayey waxay ahayd mid muujineysa iney yihiin wasiiro tun waaweyn oo qiimo ku leh degaan kooda ,waana sobabta aan u leeyahay Subag weel ku daatey  sina uma  xumaado.

 

Alaa mahad leh 

By maxamed jeex

Brussels belgium.

 



Views : 193



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Akhriso; War Saxaafadeed Maraykanku ku Sheegay Inuu Somaliya ku Diley 100 ka Tirsan Alshabaab.